Daawo Muuqaalka:- Dabaaldegii Ugu Fiicnaa Ilaa Iyo Haatan Koobka Adduunka Oo Ay Colombia Sameysay.

Daawo Muuqaalka:- Dabaaldegii Ugu Fiicnaa Ilaa Iyo Haatan Koobka Adduunka Oo Ay Colombia Sameysay.

daajis.com:-Inkastoo uu ka maqan yahay xiddigooda weerarka Radamel Falcao, Colombia ayaa si fantastik ah ku bilaabatay Koobka Adduunka iyadoo daafaca Naqpoli Pablo Armero uu hogaanka u dhiibay daqiiqadii shanaad kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Greece.


Goolka Armero ma aheyn gool aad u qurux badan laakiin dabaaldegiisa ayaa ahaa dabaaldegii ugu fiicnaa Koobka Adduunka ilaa iyo haatan.
Qoob ka ciyaar ay jaanta iskula heleen isaga iyo asxaabtiisa kooxda iyo tababarahiisa ayaa keentay in taageerayaasha Colombia ee garoonka joogay ay iyagana sidoo kale minguuriyaan.
Waxa ay u muuqataa in dabaaldega Armero inuu qeyb ka yahay ololaha shirkada ay xulafada yihiin Colombia ee Adidas.
Waxa ay soo dhigeen bogooda Youtube isla dabaaldegaan oo uu Armero ku sameynayo istuudiyahooda islamarkii uu goolka ka dhaliyay Greece.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada