Daawo Sawirada Cabdi Wali gaas oo u ambabaxay Dalka Imaaraadka Carabta kana hadlay Dagaalkii Taleex

Daawo Sawirada Cabdi Wali gaas oo u ambabaxay Dalka Imaaraadka Carabta kana hadlay Dagaalkii Taleex

daajis.com:-Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganaciga Puntland isagoona ku sii jeeda Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta .

Wafdiga uu Hogaaminayo Madaxwayne Gaas waxaa kamid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Caalamiga Ah,Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Wakiilada Puntland iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowlada Puntland.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Warbaahinta kula hadlay Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxa uu sheegay in socdaalka uu ku tagayo Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta uu salka ku hayo adkaynta Xiriirka u dhaxeeya Labada Dowladood.

‘’Waxaan u amababaxaya wadanka isutaga imaaraadka carabta oo aanu ka helnay martiqaad rasmi ah aniga iyo xubno katirsan dowlada,socdaalkuna waxa uu la xiriira sidii aanu u adkayn lahayn xiriirka noo dhaxeeya’’Ayuu yiri Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr,Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

‘’Waxaan xoojinaynaa wax wada qabsiga naga dhexeeya dhan Amni iyo waliba dhan horumarineed anagoo ka sii hormarinayna meesha uu hada joogo korna uga sii qadayna waxana rajaynayaa in socdaalkaasu guul ku soo dhamaado’’Ayuu Hadalkiisa raaciyay Madaxwaynuhu.

Ugu danbeyn Madaxwaynaha ayaa tilmaamay in dawladda puntland ay diyaar u tahay iyadoo fulineysa waajibaadka dastuuriga ah in ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda.

‘’Dagaalkii qaawana uu Maamulka Soomaaliland ku soo qaaday Degmada Taleex kuna laysay dad kuna barakicisay dad waa wax aan la qaadan Karin ‘’Ayuu Markale yiri Madaxwayne Gaas .

Safarka uu Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas maanta ugu amabbaxay Dalka isutaga imaaraadka Carabta ayaa qaadanaya Muddo dhan 5maalmood,waxana uu halkaasi kulamo kula leeyahay Masuuliyiinta ugu saraysa Dalkaasi.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada