Kulan ay wada qaateen R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Xildhibaanada Beesha Habar Gidir oo fashil ku dhamaaday

Kulan ay wada qaateen R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Xildhibaanada Beesha Habar Gidir oo fashil ku dhamaaday

daajis.com:-R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaa xalay kulan fashil kusoo dhamaaday waxa uu la qaatay Xildhibaano kasoo jeeda Beesha Habar Gidir kuwaa uu kala hadlay sida xal looga gaari karo Dagaalka Sh/Hoose.

Sida aan Wararka ku heleyno Kulanka labada dhinac ay wada qaateen ayaa diirada lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa Dagaalka kusoo noq noqday Gobolka Sh/Hoose sidoo kale loo kala qaadil ahaa Maleeshiyada labada dhinac ee Dagaalamay.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa Xildhibaanada Beesha Habar Gidir ka codsaday in ay gacan ka geestaan sidii Magaalada Marka iyo deegaanada kale ay dhawaan la wareeeen Maleeshiyo kasoo jeeda Beesha Habar Gidir looga saari lahaa.

Xildhibaanada kulanka la qaatay R/Wasaaraha ayaa kabiyo diiday codsiga ah in xiligan laga saaro Magaalada Marka iyo deegaanada kale Maleeshiyada qabsatay , waxa ayna R/Wasaaraha ku wargaliyeen in marka hore haboon tahya in xal laga gaaro dagaalada ayna wada fadhiistaan labada dhinaca.

Xildhibaanada ayaa sheegay in horey sidan oo kale loogu qiyaamay ayma uga saareen Maleeshiyo beeshooda kasoo jeeda deegaano lagu dagaalamay balse dhinacii kale meeshooda loo dhaafay taasina ay dhalisay hadana in mar kale dagaalada soo noqdaan.

Kulanka R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed uu xalay la qaatay Xilhibaanada Beesha Habar Gidir ayaan wax natiijo ah kasoo bixin waxa uuna noqday mid fashil kusoo dhamaaday oo lagu kala dareeray.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada