Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiir cusub

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiir cusub

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraqadahii aqoonsiga ee safiirnimo ka gudoomay Safiir Cusub oo ay Dowladda Canada u soo magacaawday Dalkeenna Soomaaliya.

Mr. David Angel oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Canadda u soo magcaawday Soomaaliya ayaa Madaxweynaha u gudbiyey fariiin uu uga waday Madaxweynaha Dowladda Canada. Sidoo kale Safiirka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey sida looga aqabalay warqadahiisa safiirnimo, wuxuuna ballan-qaaday xoojinta xiriirka labadda Dowladood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweyey safiirka cusub. ” Waxaan ka fileeynaa Mr David inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka labada Dowladood, Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay u fududeyso howlahiisa” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn, Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Canada sid ay u soo dhaweysay Soomaalida faraha badan ee ku nool dalkaasi kuwaasi oo kaalin muhiim ah ka qaata dib-u dhiska Dalkood Soomaaliya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada