Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo shaaca ka aqaaday in Ruux Shabaab katirsan oo la qabto aan..

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo shaaca ka aqaaday in Ruux Shabaab katirsan oo la qabto aan..

daajis.com:-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida Dowlada Soomaaliya Gaashaanle sare C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa sheegay ay aysan marnaba dhici doonin in ruux katirsan AL-Shabaab oo soo gala gacanta ciidanka Dowlada in la sii daayo.



Mr Tuuryare ayaa tilmaamay in ruuxii lagu helo in uu katirsan yahay Xarakada Al-Shabaab in aan marnaba laga sii deyn doonin xabsiga waxa uuna intaa raaciyay in uu wajihi doono ciqaab adag oo u dhiganta dambiga uu galay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa dhanka kale ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ka geestaan soo sheegida xubnaha katirsan Al-Shabaab ee deegaanadooda jooga si cadaalada loo horgeeyo.

Gaashaanle sare C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa carabka ku dhiftay in Xabsiyada Dowlada aysan kusii jiri doonin cid aan dambi laheyn oo si aan sharci aheyn loo soo xiro.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada