Ivory Coast oo noqotay xulkii u horeeyay African ee guul gaarta, kadib markii ay ka badisay Japan

Ivory Coast oo noqotay xulkii u horeeyay African ee guul gaarta, kadib markii ay ka badisay Japan

daajis.com:-Xulka Ivory Coast ee lagu naaneyso maroodiyaasha ayaa gaaray guushooda u horeeyay ee Tartanka Koobka Aduunka ee Brazil 2014, kadib ciyaar kulul oo ay kala hortageen xulka Japan ee Qaarada Aasiya.

Ivorys Coast ayaa rajo fiican ka leh inay u soo gudubto wareega labaad ee Tartanka ciyaaraha Aduuka, marka loo eego Group-ka ay ku jiraan.

Xulka Japan ayaa qeybtii hore maamulka ciyaarta la wareegay, waxaana xidigooda Keisuki Honda uu hogaanka u dhiibay daqiiqadii 16aad, waxaana qeybta hore lagu kala nastay gool iyo waxba oo ay Japan ku hogaamineysay.

Ciyaaryahan Didier Drogba oo weerarka uga ciyaara Ivory Coast oo bedel ku soo galay ciyaarta ayaa ka qeyb qaatay in xulkiisa ay u dagaalamaan inay goolka iska soo gudaan, dabadeedna ay midka goosha helaan.

Daqiiqadii 64aad ee qeybta labaad Wilfried Bony ayaa u bar bareeyay Ivory Coast, kaasoo taageerayaasha maroodiyeyaasha neefta ku soo celiyay.

Kooxda Ivory Coast ayaa labo daqiiqo kadib mowjadaheeda weerarka iyo niyad wanaaga ay ka heshay goolkii bar baraha waxay dhaliyeen mid labaad, waxaana u saxiixay ciyaaryahakii hore ee Arsenal ee hada u ciyaara kooxda Roma Gervinho daqiiqadii 66aad.

Xulka Ivory Coast oo ay xidigo wanaagsan oo ka xamaasha Yurub ay u ciyaaraan ayaa waligood u gudbin wareega labaad ee 16-ka koox, iyagoo markan rajo fiican ka qaba inay u soo gudbaan, waxaana Group E ay ku wada jiraan xulalka Switzerland, Ecuador oo maanta is arkaya.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada