Laba wiil oo dhalinyaro ah oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Laba wiil oo dhalinyaro ah oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

daajis.com:-Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa lasoo sheegayaa in caawa lagu dilay xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdsiho, iyadoo warar kale duwan ay kasoo baxayaan dilka dhalinyaradaasi.

Goob jooge ku sugan xaafadda Taleex ayaa sheegaya in labadan dhalinyarada ah lagu dilay afaafka hore ee shirkadda korontada Beco ee Taleex, waxaana looga shakiyay inay mobilo dhacayeen.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in dhalinyaradaan ay ahaayeen kuwa marayay wadada, waxana ilaa hadda jirin wax war ah oo ka madax banana intaasi.

Maamulka degmada Hodan ee dowladda ayaana ilaa iminka ka hadlin dilka labadan wiil ee dhalinyarada ah islamarkaana caawa lagu dilay xaafadda Taleex

Xaaladda goobta wiilasha lagu dilay ayaa ah mid kacsan, waxaana istaagay isu socodka dadki marayay wadadaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada