FIFA WORLD CUP 2014:- Fransiiska oo badiyay iyo Switzerland oo guul taariikhi ah gaartay+Sawirro

FIFA WORLD CUP 2014:- Fransiiska oo badiyay iyo Switzerland oo guul taariikhi ah gaartay+Sawirro

daajis.com:-Xulka France ayaa ka talaabsaday xulka Honduras oo ay caawa wada cayaareen kulankooda uugu horreeya ee Koobka Aduunka,kadib marki ay ku badiyeen 3-1.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay dar dar labada xul, inkastoo xulka France uu ku sareeyay kubad heysashada iyo saameynta shabaqa.

Dhowr fursadood ayaa soo maray xulka France, lakin birta ayaa u diiday in kubadda ay soo laadeen xulka France inay shabaqa taabato, lakin daqiiqadii 45-aad ayay heleen France rogooro, waxaana rigooradaasi u dhaliyay weeraryahankooda Karim Benzema.

Rigoorada France heshay ayaa hayd qalad lagu galay Pogba, waxaana qaladkaasi calaamadda casaanka ah ku qaatay ciyaaryahan Wilson Palacios,kadib marki uu Pogba ku jabiyay diilinta ganaaxa ee cayaartoyda.

Goolka labaad ee xulka France ayaa waxaa si qaldan isaga dhaliyay goolhayaha qaranka Honduras, kaasoo gacanta ku qaaday kubad Benzama birta ka beenisay.
Karim Benzema ayaa goolka saddexaad xulkiisa France u dhaliyay daqiiqadii 72-aad,iyadoo ciyaarta ay kusoo dhammaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday xulka France.

Labadan xul ee France iyo Honduras ayaa ka tirsan Group-ka E.

Dhinaca kale xulka Switzerland ayaa 2-1 uga adkaaday xulka Ecuador oo ay ka wada tirsan yihiin Group-ka E.

Switzerland ayaa daqiiqadihii geerida heshay goolka ay ku badisay, waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Haris Seferovic daqiiqadii 90-aad ee dhammaadki ciyaarta.

Xulka Ecuador ayaa ku hormartay goolka waxaana u dhaliyay Enner Valencia daqiiqadii 22-aad, iyadoo xulka Switzerland uu soo bar-bareeyay goolkaasi daqiiqadii 48-aad, waxaana gool u dhaliyay Admir Mehmedi.












FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada