Madaxweynaha Soomaaliya oo dalacsiiyay askartii difaacday xarunta Baarlamaanka: SAWIRRO

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalacsiiyay askartii difaacday xarunta Baarlamaanka: SAWIRRO

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda, ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda iyo marti sharaf kale ayaa maanta ka qeybgalay kulankii Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ajandaha kulanka uu ahaa u duceynta iyo xusuusta geesiyaashii naftooda u huray difaacidda xarunta Golaha Shacabka..


Madaxweynaha ayaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee fashiliyay weeararka argagixisada ay soo maleegeen ugu hambalyeeyay, waxaana uu taasi ku tilmaamay inay muujineyso sida ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya uu awood buuxdo iyo karti u leeyihiin ka hortagga falalka argagixisonimo.

Madaxweynaha ayaa dalac siiyay min labo darajo kuwii ku geeriyooday weerarkaasi, halka kuwii ku dhaawacmayna dalacsiiyay min hal darajo, isagoo Taliyihii ilaalada xarunta Baarlamaanka ku tilmaamay Sayid Maxamed Cabdullaha qarniga 21-aad.

Kan Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo kan Taliyaha guud ciidanka qalabka sida ahaan waxaan rabaa in aan hortiina ka sheego, ciidankii halkaa ku geeriyooday, kuwii geeriyoodayna min labo darajo ayaa la dalacsiinayaa, kuwii dhaawacmayna min hal darajo ayaa la dalacsiinayaa, qarnigii hore ee 20aad waxaan qabnay nin la yiraahdo Maxamed Cabdulle Xalane oo magaca Soomaaliya iyo meesha uu ka galay aad ogtihiin, qarniga kow iyo labaatanaad Daahir Gurxan ayaa noo ah astaanta geesiyaasha Soomaaliya, Gurxan ayaa noo ah qarnigan 21aad” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada