Dowladda Mareykanka oo dhawaan safiir usoo magacaabeysa Soomaaliya

Dowladda Mareykanka oo dhawaan safiir usoo magacaabeysa Soomaaliya

daajis.com:-Ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Maryakanka ee arrimaha siyaasadda, Wendy Sherman ayaa ku dhawaaqday in Madaxweyne Barack Obama uu markii ugu horreysay muddo 20 sanno ah dhawaan magacaabi doono safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.


Sherman ayaa hadalkan uga dhawaaqday khudbad ay ka jeedisay machadka nabadda Maraykanka ee magaaladan Washington, waxayna sheegtay in Maraykanku aanu safiir rasmi ah ku lahayn Muqdisho tan iyo markii la xidhay safaraadii Maraykanka bishii January 5-teedii sannadkii 1991-kii, balse aytaasi isbeddelayso oo dhawaan Madaxweyne Barack Obama uu ku dhawaaqi doono safiirka Maraykanka ee Somalia.

Wendy Sherman waxay sheegtay inay ku rajo weyn tahay maalinta ay labada dal si buuxda u soo ceshan doonaan xarumahoodii diplomaasiyadeed ee ay ku kala lahaayeen labada caasimadood.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada