Odayaasha Hawiye oo amray wasiirda iyo xildhibaanada dowladda ugu jira in aysan u shaqatagin dowladda

Odayaasha Hawiye oo amray wasiirda iyo xildhibaanada dowladda ugu jira in aysan u shaqatagin dowladda

daajis.com:-Kulan maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ku yeesheen Waxgaradka Hawiye ayaa waxaa ay si cad oga soo horjeesteen Aqoonsiga Dowladda Soomaaliya ay Aqoonsatay  Maamulka saddexda  Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb Galay Wasiiro,Xildhibaano iyo Waxgaradka Beesha Hawiye,waxaana Wasiirada ka qeyb galay laga Xusi karaan Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sh Cali Dhuxuloow,Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya Mahad Salaad iyo Xildhibaano ka soo jeeda Beesha Hawiye.

Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Hawiye Nabadoon Max’ed Xasan Xaad ayaa ku Amray Wasiirada iyo Xildhibaanada Beesha Hawiye in aysan u Shaqatagin Dowladda Soomaaliya inta laga Gaarayo go’aan rasmi ah.

Waxaana uu sheegay Nabadoon Xaad in Shir looga hadlayo Aayaha Beesha Hawiye ay ku qaban Doonaan Xarunta Maamulka Shabelle State

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 11:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada