Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ban Ki-moon oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Malabo ee Equatorial Guinea:-War-Saxaafadeed+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ban Ki-moon oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Malabo ee Equatorial Guinea:-War-Saxaafadeed+Sawirro

daajis.com:-War-saxaafadeed- 26-06-2014 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulan gaar ah magaaladda Malabo kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ka qayb galaya shirka Midowga Afrika iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee Qaramada Midoobay ay ka ciyaarayso dawlad dhisidda Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga warbixiyay Ban Ki-moon dadaalada joogtada ah ee dawladdu ay ugu jirto dawlad dhisidda, nidaamka federaalka iyo ku qaybsiga siyaasadda hanaan loo wada dhan yahay iyo in wada-shaqaynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay sabab u tahay in horumarro la taaban karo laga gaaray amaanka iyo siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu tusaale uso qaatay qorshaha hirgalinta nidaamka federaalka iyo howlgaladdii ciidamadda dawladda iyo AMISOM ay ku xoreeyeen magaalooyinka ay ku sugnaayeen kooxaha Nabad-diidka ah.
“Qaramada Midoobay waxaa ay gacan muuqata ka gaysatay amaanka, xasiloonida, dhismaha dawladnimada iyo taageero joogta ahwaan uga mahadnaqaynaa taageerada kala duwan. Waxyaabaha aan kala hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon waxaa kamid ah sidii Qaramada Midoobay ay u dadajin lahayd gargaarka aan doonayno in la gaarsiiyo qaybo kamid ah Soomaaliya oo ay ka jirto cunno yari, arrimaha qaxootiga iyo in ay Q.M ay sii xoojiso taageerada ay noola diyaarka tahay xiligan muhiimka ah .” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay u fidinayaan dawladda Soomaaliya isla markaana ay go’antahay in ay Soomaaliya aysan dib ugu laaban dhibaatooyinkii ay horay usoo martay.
–Dhamaad–


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 13:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada