Tahriibayaal Ku Dhintay Xeebaha Yemen

Tahriibayaal Ku Dhintay Xeebaha Yemen

daajis.com:-Hay’adda UNHCR ayaa sheegtey in todobaadkan ay xeebaha Yemen ku dhinteen 62 qof ka dib markii ay degtey doonidii ay la socdeen.

Dadka saarnaa doonidan ayaa la sheegey in ay ka kala yimaadeen dalalka Somalia, Ethiopia, iyo laba shaqaale  oo reer Yemen ah, waxaana ay doonidoodii ku degtey Badda Cas Sabtidii la soo dhaafey.

UNHCR waxa ay tacsi u dirty qoysaskii ay dadkani ka geeriyoodeen waxaana ay sheegtey in ay tani tahay tiradii ugu badneyd ee mar qura badda ku dhimata tan iyo Sanadkan. waxaana ay dhimashada guud ee sanadkan ka dhigeysaa 121 qof.

UNHCR waxa ay diiwaan galisey afartii bilood ee sanadkan ugu horeysey 16,000 oo qaxooti iyo socota ah kuwaasoo  soo gaarey xeebaha Yemen, tiradan ayaa  si weyn uga yar tii sanadkii hore oo aheyd 35,000 oo qof afartii bilood ee ugu horeysey.

UNHCR waxa ay masuuliyiiinta gobolka ugu baaqdey in ay sameeyaan hanaan samatabixin deg deg ah iyo waliba in diiwaan galin iyo aqoonsi qaxootinimo la siiyo dadka ka soo badbaada safarka ay dhanka bada ee ay soo galaan oo ah mid qatartiisa leh.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada