Topnews:-Madaxweyne Garguurte oo laalay digniin ay siiyeen Qatar iyo Turkiga - Safar degdega+ Dagaalka Khaliijka

Topnews:-Madaxweyne Garguurte oo laalay digniin ay siiyeen Qatar iyo Turkiga - Safar degdega+ Dagaalka Khaliijka

daajis.com:-Khilaaf xoogan ayaa ka dhex qarxay Madaxda Somalia iyo Dowladaha Qatar iyo Turkiga kadib markii uu Madaxweynaha Somalia Hassan Garguurte iska diiday waano la xiriirtay inuusan ka qeybgelin Caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Masar Abdifitah Sii Sii.

  • Wafdi uu horkacayo Madaxweyne Garguurte ayaa lagu  inay saacado kadib u dhoofaan dalka Masar si ay uga qeybgalaan xaflada Caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Masar .
  • "Dowladda Qatar ayaa si cad ugu sheegtay Madaxweynaha Somalia inuu Abdifitah Sii sii yahay nin afgembi ku qabsaday dalka Masar sidaas darteedna uu sharci daro yahay Caleemasaarkiisa” ayuu yiri Masuul ka tirsan Hoowlwadeenada Villa Somalia oo Warbaahinta daajis si hoose ugu xog waramay.
  • "Qatar waxay hoosta ka xariiqday in Madaxweynaha sharcigaa ee dalka Masar yahay Mohamed Mursi oo shacabka doorteen” ayuu masuulka hadalkiisa ku deray.
  • Sida muuqato Somalia waxey lugaha la gashey loolanka ka socda dalalka Carabta ee ka dhexeeya Kooxda akhwaan muslimuun iyo Dowladaha Khaliijka.
  • Mohamed Mursi waxaa xukunka talada Masar ka faramaroojiyay  Milateriga oo ku eedeeyay inuu dalkii gacanta u galiyey koox diimeedka  Akhwaanul Muslimiinta..
  • Madaxweyne Hassan Garguurte oo ka cabsi qaba in loo galo sida Mursi oo kale maadaama ay isku koox ka soo jeedaan ayna cabsi galinayaan Dowladaha Khaliijka sida UAE iyo Sucuudiga wuxuu qaatey go'aan uu xargaha ugu jiray Dowladdii soo garab qabatey ee Qatar..
  • Dowladda Qatar waxaa laga yaabaa inay ku fekerto sidii ay dhulka ula goyn laheyd kooxdaan ka fallaagoodey ee Damujadiid Somalia.
    Si kastaba, Hassan Garguurte iyo kooxdiisu waxey isku dayayaan inay khayaanaan adduunka oo ay iska fogeeyaan xubbinamadooda kooxda diiniga ah ee Akhwaanul muslimuun laakIin arintaas waxey u muuqataa midaysan sinnaba ugu guuleysan karin..

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada