Kenya oo rajo ka qabto in Soomaaliya kula heshiiso kheyraadka xeebaha

Kenya oo rajo ka qabto in Soomaaliya kula heshiiso kheyraadka xeebaha

daajis.com:-Qaar kamid ah wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya, ayaa saakay Boggagooda hore kusoo daabacay, in Dowlada Kenya ay ku rajo weyntahay, ineey Somalia kula heshiiso Sahminta Qeeyraadka ku xeeran Goobaha ay horay labada dal isugu khilaafeen ee Badweynta India.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay QM ugu gudbiyay Documentiyo ay ku dalbanayaan in lasoo cadeeyo Xuduud Badeedka labada dal.

Dowladdii uu Hogaaminayay Madaxweynihii hore ee KMG Sh. Shariif, ayaa Dowladdi waqtigas ee Kenya ee uu hogaaminayay Kibaki la saxiixatay Heshiis is faham ah oo dhinaca Xuduuda Baddaa ahaa, laakiin Baarlamnkii KMG ahaa ee Somalia ayaa Gaashaanka u daruuray.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii 2012-ka waxay ku eedeysay Kenya inay wado qorshayaal ay shidaal kaga baarayso xeebaha Soomaaliya, iyadoo Kenya ay si cad u beenisay eedeymahaas iyadoo sheegaysa in xeebahaas ay yihiin kuwo iyada ay leedahay.


Qaramada Midoobay ayaa laga soo xigtay in dhammaan labada dal xaduudka badda loo ogol yahay inay isticmaalaan 200 mayl kuwaasoo leh ujeeddooyin dhaqaale isla markaana aanu dalna fargelin ku sameyn xeebaha dalka kale.

Qodobbada caalamka u dagsan ee dhinaca badaha ayaa ah 200 oo mayl, iyadoo uu dal walba khayraadka kasoo saaran karo xeebaha dalkiisa, isagoo aan wax xad-gudub ah ku sameynayn xeebaha dalalka ay dariska yihiin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada