Madaxweynaha cusub ee Masar oo loo dhaariyay xilka madaxtenimo

Madaxweynaha cusub ee Masar oo loo dhaariyay xilka madaxtenimo

daajis.com:-Cabdul-Fatax al Sisi ayaa loo dhaariyay inuu yahay madaxweynaha cusub ee Masar xaflad wayn oo lagu qabtay maxkamadda dastuurka ee ku taal Qaahira.

Xafladda ayaa ku bilaabatay heesta calanka iyo quraanka kariimka, waxaana goobjoog ahaa martisharaf isugu jirtay wasiiro, hogaamiye diimeedyo iyo siyaasiyiin ka kala socota gudaha iyo dibadda.

Mr Sisi, oo ahaa madaxa ciidanka ayaa ku guulaystay doorashada bishii hore boqolkiiba sagaashan iyo toddobo. Mucaaradka ayaa cunaqabateeyeen doorashada, tirada codbixintana waxay ahayd in ka yar konton boqolkiiba.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay. Mr Sisi ayaa xukunka ka riday Maxamed Morsi sanadkii hore.

Xisbiga Akhwaan Muslimiin ayaa tan iyo markaas la mamnuucay, hogaamiyayaashoodana la xiray.

Hogaamiyayaasha Masar iyo caalamka ayaa ka qayb gali doona xaflad lagu qaban doono guriga madaxweynaha ee Al-lttihadiyah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada