(Daawo Sawirada:- Dagaal layaab leh oo Seefo la isku adeegsaday oo ka dhax dhacay Goob ay kasocotay Munaasabad

(Daawo Sawirada:- Dagaal layaab leh oo Seefo la isku adeegsaday oo ka dhax dhacay Goob ay kasocotay Munaasabad

daajis.com:-Warbaahinta Dalka Hindiya iyo tan Caalamiga ayaa si weyn usoo tabisay Dagaal la isku adeegsaday Seefo oo maalinimadii jimcaha ka dhacay gudaha Macbad ay leeyihiin Dadka loo yaqaan Siinga Siingaha ee ku dhaqan Dalka Hindiya,

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay muran la xariira qaabka loo adeegsanayo Makaroofan ama cod baahiye xili la qorsheenayay in gudaha Macbadkaasi uu ka bilowdo munaasabad balaaran oo lagu xusayay xiligii Ciidamada Hindiya ay macbadkaasi la wareegeen.

Dadkii kasoo qeyb galay Munaasabada ka dhacaysay gudaha Macbadkaasi ayaa mar qura seefahooda isla aaday , iyadoona Warbaahinta ay soo tabisay Muuqaalo laga soo qaaday dagaalka seefaha la isku adeegsaday ee ka dhacay gudaha goobtaasi ay ku cibaadeestaan dadka singaha loo yaqaan..

Inta la xaqiijiyay ilaa lix qof ayaa dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray Dagaalka seefaha la isku adeegsaday ee ka dhacay gudaha Macbadka ay leeyihiin dadka Siinga Siinagaha ee kunool dalka Hindiya.

Muuqaalada laga soo qaaday Dagaalka seefaha la isku adeegsaday ayaa ka dhax muuqanayay dadka Siingaha oo iyagu madaxa maryo waa weyn ku duubta oo qaarkood laga furay duubkii u xirnaa kadib markii gacmaha la iskula tagay.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada