VIDEO:- Laamaha amaanka Jabuuti oo baadi goob ugu jira Sedax nin

VIDEO:- Laamaha amaanka Jabuuti oo baadi goob ugu jira Sedax nin

daajis.com:-Laamaha amaanka dalka Jabuuti ayaa soo bandhigay muuqaalka Sedax dhalinyaro ah, kuwaasi oo dadka lagu wargeliyay inay la soo xiriiraan Booliska ama Gendarmerie haddii ay arkaan ama warbixino ay ka hayaan. 


Muuqaal laga sii daayay Telefshinada dalka Jabuuti iyo warbaahinada kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad loo baafinayay sedaxdan nin, iyadoo aysan laamaha amaanka sheegin sababta loo raadinayo.


Laakiin waxaa loo maleynayaa in dhalinyaradan ay xiriir la leeyihiin qaraxii ismiidaaminta ee bishii hore dhamaadkeedka ka dhacay dalka Jabuuti.


Jabuuti ayaa aad u adkeysay xarumaha dowladda iyo hoteelada waaweyn, sidoo kale waxaa la xoojiyay amaanka Safaaraddaha iyo goobaha kale ee ay degan yihiin ddiblumaasiyiinta iyo ajaaniibta.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada