Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya oo is-casilay

Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya oo is-casilay

daajis.com:-Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, Danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa shaaciyay inuu iscasilay isla markaana uu ka tagayo 02-da bisha July, kaddib kulan uu shalay oo Arbaco ahayd uu la qaatay madaxda Soomaaliya, isagoo ku wargeliyay in howsha ay sii wadi doonto ku xigeenkiisa Marow Lydia Wanyoto Mutende oo u dhalatay dalka Uganda.

Danjire Anaadiif ayaa Dadaxda dowladda Soomaaliya ku dhiirigeliyay inay halkaas ka sii wadaan howlaha dalka lagu gaarsiinayo nabad iyo xasilooni,  isagoo tilmaamay in hadda horumar laga sameeyay dhinacyada siyaasadda iyo amniga dalka.

“Marka aan ka tagayo Somalia, waxaan la qushuuc-sanahay go’aankiinna ku saleysan in nabad waarta iyo xasilooni ka dhalata dalkan. Waxaan si gooni ah ugu sii faraxsanahay in la ogaado in dadka Geeska Afrika ku yaalla ay ku raaxeysanayaan hadda waqtigii ugu dheeraa ee nabad illaa heer ah laga soo billaabo 1991, taasoo ku timid hoggaankiinna, inagoo goobjoog u ahayn xallintii saaxiibtinimada lahayd ee murranadii jiray,” ayuu yiri danjire Anaadiif.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu isku casiley sababo ay ka mid tahay khilaaf soo dhex-galay isaga iyo qaar ka mid ah dalalka ay ciidamadu kaga sugan yihiin Soomaaliya oo cadaadis ku saaray inuu iscasilo.

Midowga Afrika ayaa ka aqbalay go’aanka uu isku casiley kaddib markii qoraalka is-casilaaddiisa toddobaadkii hore u gudbiyay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika lagana ogolaaday.



Dowladda Federaalka Somalia ayaa Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif , horay ugu cabatay in ciidamada ka socda Kenya ee ku sugan Jubooyinka lagu badalo kuwa ka socda Ugandha iyo Jabuuti, qorshahaasi oo wax ka suragali waayeen.

Anaadiif waxaa uu Xilkaa kala wareegay wakiilkii ka horreeyay ee Abuubakar Diyaar oo Isagu sanadkii 2012 kii ku wareejiyay Xilka si KMG ah,waxaana hadda sii hayn doona xilka haweeneyda ku-xigeenka u ah Anadiif oo u dhalatay dalka Uganda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada