Wax ka baro Sagaal waxyaabood oo hurdada ku saabsan

Wax ka baro Sagaal waxyaabood oo hurdada ku saabsan

daajis.com:- Hadii aynu nidhaa hurdo hala sharaxo ama si hoose haloo faaqido, umaleyn maayo in hal warbixin iyo wax la mid ah lagu sharxi karo.hase yeeshee waxaan si kooban u soo bandhigayaa sagaal arimood oo hurdada ku saabsan. Balse intaan u gudbin qeybahaa muxuu Alle ka yidhi hurdada.
Allaah Subxaanahu Watacaalaa ayaa qur’aanka inoogu sheegay hurdada wuxuuna ydhi:
( waxaanu ka yeelnay Hurdadiina Nasasho iyo Raaxo, waxaanuna ka yeelay Habeenka mid ku dedaaya madowgiisa, waxaanuna ka
yeelay Maalinta Risqi raadsasho)
Khuburo badan ayaa isku howlay in baadhitaan cilmiyeysan ka sameeyaan hurdada.waxeyna ka qoreen boqolaal buug oo hurdada uun ka hadlaya.sida hordhaca qormadeena uu ahaa aan mid mid u soo qaato sagaal walxaad ee hurdada.
1-Bini’aadamku marka sadex loo qeybiyo hurdada noloshiisa oo dhan wuxuu ku bixiyaa 25 sano.
2-Waalidka ilmaha ugu horeeya ee u dhasha lixda bilood ee ugu horeysa ma qaataan hurdo ku filan ilaa laba sano uu ka gaadho Ilmahaasi.
3-Qof hurdo’laaan tii ugu dheereyd inta la diiwaan geliyay aduunka waa ruux soo jeeday 11 maalmood.
4-Hurdada ka yar 7 saacadood habeen kasta, waxey yareysaa rajada noloshaada ee filashada (your expectation )
5-Dadka qaar ee dhagaha la’xiliga hurdada dhexdeeda waxey sameeyaan luqada iyaga u gaar ah.
6-Hurdo la’aanta waxey sababtaa in miisaankaada uu kordho isbuuc walba, taasna waa caafimad darro.
7-Marnaba suuraga
l kuuma aha in adigoo hurda aad hindhisto.
8-Inta badan bini’aadamka wuu badbaadi karaa ugu badnaan laba bilood cunis la’aan, taasi badalkeeda dadku waxey soo jeedi karaan kaliya 11 maalmood hurdo la,aan.
8-Gelinka hore oo aad seexataa ayaa ka wanaagsan gelinka danbe in aad seexatao habeenkii.
9-Ma ogtahay bisadda waqtiga nolosheeda oo dhan marka leysku geeyo in 70% ay hurudo.
Hurdada xooga kuu qabata ee jidhka uu aad ugu baahanyahay kuma xidhna meel goglan kaliya, ee waa hadba goobta ay kugu legado. Sidoo kale maahmaahyo waxaa jira soomaalida tidhaa marka hurdo la soo hadal qaado, tusaalahan ayaa inooga filan (HURDO HABARBA KORIN WEYSAY) oo loo soo qaato dhiirigelinta ruuxa.
Xigashada jariidada sleap,American researchers.iyo baadhitaan ii gaar ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 13:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada