Akhriso:- Beesha Mudulood oo Xassan Sheekh ku cadaadineyso Shan qodob oo aan u cuntameynin Beelaha kale

Akhriso:- Beesha Mudulood oo Xassan Sheekh ku cadaadineyso Shan qodob oo aan u cuntameynin Beelaha kale

daajis.com:-Wararka naga soo gaarayo dhanka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Odayaasha Beesha Mudulood ay kulan la qaaten Madaxweynaha Jamhuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Kulanka Madaxweynaha iyo Odayaasha, ayaa ahaa mid guubabin iyo talo u jeedin ah, waxaana Madaxweynaha loo jeediyay Qodobo dhowr ah oo ay Beeshu u aragto in lagu bad-baadin karo Dowladda Xassan sheikh uu Hoggaaminaayo, hayeeshe waxaa la sheegayaa in Qodobadaasi aysan u cuntameynin Beelaha kale iyo Beesha caalamka.

Qodobada ayaa la sheegayaa inay kamid yihiin shan qodob oo u muuqato mid caqabad siyaasadeed ku noqoneysa Xassan Sheekh waxaana kamid ah Talooyinka ay Odayaasha u jeediyeen Madaxweynaha:-

1- Weerarada iyo dagaalada ku batay Madaxtooyada Owgeed in Madaxweynaha uu sameysto ciidamo ku beel ah, islamarkaana isaga u gaar ah, si looga bad-baado dilal iyo weeraro gaar ah oo lala beegsado Xassan.

2- In Taliyayaasha Ciidamada Ammaanka Madaxtooyada loo badiyo Beesha uu Madaxweynaha kasoo horjeedo, si looga feegjignaado weeraro laga dhex maleego Xarunta Madaxtooyada ama kuwo kale oo suuragal ah in lagu qaado madaxtooyada islamarkaana waxyeelo gaarsiiyo Xassan.

3- In gabi ahaan uu Xassan ilaaladiisa ka dhigo AMISOM, maadama Ammaanka iyo kalsoonida ay gacanta kasii baxeyso, suuragalna tahay in Alshabaab ay qorsheeyan weeraro si gaar ah loogu beegsanaayo Xassan Sheekh.

4- In Madaxtooyada laga saaro madaxweynaha uu u hoyaado Xarunta Xalane oo ka amaan badan Xarumaha kale ee dalka, maadama Labadii weerar ee lagu qaaday Madaxtooyada uu halis galay Ammaanka Xassan, si looga badbaado waxyeelo kasoo gaarto weerar kale oo rogaal celin ah kana imaado dhanka Alshabaab.

5- In galitaanka Madaxtooyada la xadido, islamarkaana xiliyada Haweenkii Ammaanka Madaxtooyada loo madax-baneeyo AMISOM, kuwa Dowladuna xoogoda lageeyo Albaabada iyo daafaha Aqalka Madaxtooyada.

Dhanka kale, Talooyinka Beesha ayaa waxa uu imaanayaa xilli Beesha Caalamka iyo Soomaalida inteeda kale ay ka hortimid qaabka Xassan Sheekh uu u daadihinaayo Dowlada, iyadoona ay xusid mudan tahay in Xassan uu yahay madaxweynihii ugu horeeyay ee soo mara Somalia iyo caalamkuba ay Kooxo hubeysan ugu dhex galaan Aqalkiisa, taasi oo dhagafaar ku noqotay Hanaanka Amniga iyo Siyaasadaha Dowlada FS.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada