Allaha Unaxariistee:- Qoraaga Soomaaliyeed Cabduqaadir Oromo oo xalay ku geeriyooday dalka Ingiriiska

Allaha Unaxariistee:- Qoraaga Soomaaliyeed Cabduqaadir Oromo oo xalay ku geeriyooday dalka Ingiriiska

daajis.com:-Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday qoraagii Soomaaliyeed Cabduqaadir Macalin Cismaan oo caan ku ahaa qoridda iyo soo saarista buugaagta.

Marxuumka ayaa la sheegay in muddooyinkaan dambe uu ku xanuunsanaa isbitaal ku yaalla magaalada London, taasoo uu xalay ugu geeriyooday.

Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Oromo waxa uu ka mid ahaa qoraayaasha Soomaaliyeed, waxaana buugaagtiisu ay ahayd mid ay si weyn u jecelyihiin bulshada Soomaaliyeed.

Buugaagtiisu waxa uu kaga hadli jiray taariikhda dheer ee umadda Soomaaliyeed iyo hadba marxaladi ka jirta dalka.

Cabdulqadir Oromo ayaa buugii ugu dambeeyay ee soo saaray uu ugu magacdaray “ Al amru bil macruuf wa nahyul canil munkar” ,iyadoo buugaan uu kula hadlay umadda Soomaaliyeed oo uu kula dardaarmay inay wanaag markasta u hiiliyaan.

Sidoo kale sheekadii ugu dambeeysay ee uu qoray waxa uu ugu magacdaray “ Awooda ka Oomnaaw ama Islaax” oo uu markaas kaga hadlay nidaamka ka jira dalka iyo qaladaadka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada