Madaxweynaha: Anigoo ku faraxsan ayaa ogolaaday magacaabista Danjire Cumar C/rashiid

Madaxweynaha: Anigoo ku faraxsan ayaa ogolaaday magacaabista Danjire Cumar C/rashiid

daajis.com:-Madaxweynaha Somalia , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay magacaabida uu magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Mareykanka, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka wanaagsan ee Madaxweynaha Mareykanka ugu aqbalay waraaqihii safiirnimo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in 23-sanno Somalia inay safiir ku yeelatay wadamada caalamka ugu miisaanka culus dhan walbo, isagoo tilmaamay in tallaabadaasi ay wax badan ka badali doonto xiriirka labada dal.

"Aniga oo ku faraxsan baa ogolaaday magacaabista Danjire Sharma'arke ee shaqadan muhiimka ah ee istaraatiijiga ah qabanayo,  Waxaana farxad ii ah in waraaqihii uu ka guddoomay Madaxweyne Obama, waxaana rajeynayaa in hadda wixii ka dambeeya uu qaadan doono kaalintiisa uu ku sii wadayo xoojinta xiriirrada siyaasadeed, ganacsi, dhaqaale iyo horumarin ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka"ayuu yiri Madaxweyne Somalia.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Somalia in mudooyinkii u danbeeyay uu sii xoogeysanayay xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo Somalia, haatana uu marayo meeshii ugu wanaagsanaa.

"Ka guddoomidda waraaqaha aqoonsi ee Danjire Sharma'arke waxa ay caddeyneysaa ujeedada wadaagga ah ee amniga, horumarinta joogtada ah ee loo dhan yahay iyo dowlad wanaagga Soomaaliya islamarkaana waxa ay tusineysaa heerka is-aaminid iyo iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka” ayuu Madaxweynuhu intaa ku daray.


Dowladda Mareykanka ayaa sanadihii u danbeeyay kordhisay cilaaqaadka ay leedahay Dowladda Federaalka somalia, iyadoo dhawaan ay usoo magacowday Safiir cusub.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada