Barre Hiirale:- oo ka garab dagaalamay Alshabaabkii la dagaalamaayay Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Beelaha Kismaayo oo kala irdhoobay.

Barre Hiirale:- oo ka garab dagaalamay Alshabaabkii la dagaalamaayay Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Beelaha Kismaayo oo kala irdhoobay.

daajis.com:-Sida aan ka soo xiganey Sargaal ka tirsan Maamulka KMG Jubba, ayaa inoo xaqiijiyay in Dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee u dhaxeeyay Kooxaha Raaskambooni iyo Alshabaab ay qeyb ka ahaayen Maleeshiyaad taabacsanaa Mucaaradka weyn Barre Hiiraale.

Sargaalka ayaa xaqiijiyay in Dagaalka uu bilowgiisa hore u dhexeeyay Raaskambooni iyo Alshabaab, markii dambe ay kasoo qeyb qaateen Dagaalka Maleeshiyaad daacad u ahaa Col. Barre Hiiraale oo iyagu la sheegay inay ka bar-bar dagaalamayeen Kooxda Alshabaab.

Sargaalka oo magaciisa ku sheegay C/llah Axmed, ayaa intaa hadalkiisa kusii daray in Barre Hiiraale uu Dagaalka kusoo biiriyay in kabadan Afar Cabdi-bile iyo Maleeshiyaad kor u dhaafayay 90 kuwaasi oo uu Tilmaamay inay saf la ahaayen Shabaab, islamarkaana Rasaasta ku ridayeen kuwa MKG Jubba.

‘’Barre Hiiraale waxa uu isku cadeeyay inuu yahay Alshabaab, maadama uu Ciidamo gurmad ah usoo diray Dagaalkii dhex maraayay Ciidamad MKG iyo Alshabaab. Taasi waa mid niyad jab nagalisay waayo kama aan fileynin inuu yahay Alshabaab’’ ayuu yiri C/llah Axmed.

Sargaalka ayaa waxa uu intaa raaciyay in inta uu Dagaalka socday ay dileen qaar, halka qaarka kalane ay nolosha ku qabteen si loogu sameeyo baaritaano.

Dhanka kale, warar hoose oo halkaasi naga soo gaarayo ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Raaskambooni uu caro ka qaaday Dagaalkii uu Barre Hiiraale ku garbiyay Alshabaab, waxaana la sheegayaa in maanta uu siyaabo badan Arrintaasi kala hadlay Odayaal kasoo jeeda Beesha Seda oo iyagu kala taageersanaa Barre iyo Axmed Madoobe, wallow aan la Ogeyn natiijada kasoo baxday kulankooda.

Dagaalka ay maanta ka qeyb qaateen Xoogaga daacada u ah Barre Hiiraale, ayaa waxa uu shaki iyo kala irdhoobid soo kala dhex galshay Beelaha halkaasi wada dega gaar ahaan Beesha Seda iyo Ogadenia, waxaana laga yaaba inuu dhaliyo Dagaalo u dhigma kuwii horay u dhex maray Beelaha Kismaayo wada dega.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada