Alshabaab oo laga bur-buriyay Xarumo ay ka qaadi jireen duulaanada ka dhanka ahaa Dowlada Uhuru Kenyatta (Warbixin)

Alshabaab oo laga bur-buriyay Xarumo ay ka qaadi jireen duulaanada ka dhanka ahaa Dowlada Uhuru Kenyatta (Warbixin)

daajis.com:-Hadal ka soo baxay Ciiddanka Difaaca Kenya (KDF) ayey ku sheegeen inay ku burburiyeen afar xero oo waa weyn oo ku yaalla dhul-kaymeedka u dhexeeya Xuduudka Somalia iyo Kenya.

Xerooyinkaasi ayaa la rumeysan yahay inay weerar ka soo qaadeen dagaalyahannaddii hubeysanaa ee bishii hore weeraradda is-xigxigay ku soo qaaday Degmadda Mpeketoni ee ku dhow Jesiiradda Lamu, laguna dilay in ka badan 80-qof.

Hawlgalka lagu burburiyey Xerooyinkaasi oo ku yaallay dhulka kaymaha badan ee Deegaanka Boni, ayaa waxaa ka qeyb galay Ciiddanka Difaaca Kenya iyo Boliska Maamulka iyo kuwa caadiga.

Wargeyska Rasmiga ee Dowladda Kenya oo lagu magacaabo Kenya Gazzette ayaa qoray inay Haweeneyda Wasiirka Difaaca ka ah dalkaasi, Raychelle Omamo bixisay Hawlgalka ay Ciiddanka Ammaanka Kenya ku burburiyeen Xerooyinkaasi.

Wargeyska The Daily Nation ayaa isagana qoray inay Ciiddanka Ammaanka Kenya rumeysan yihiin in ay la xaajoonayaan dhallinyarro badan oo Xag-jirayaal ah oo dib ugu soo laabtay Kenya, kuwaasi oo ay Alshabaab horey u soo tababareen gudaha Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Hawlgalka ay Ciiddanka Difaaca Kenya ku burburiyeen Xerooyinka Tababarka ee ku yaalla Dhulka Kaymaha badan ee Boni ayaa la sheegay inaysan wax dagaalyahanno ah ku dileen ama ku soo qabanin, mana kala cadda halka ay Dagaalyahannadda lagu tuhumayey inay ku sugan yihiin Xerooyinkaasi u ruqaansadeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada