Cumar C/rashiid oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Mareykanka

Cumar C/rashiid oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Mareykanka

daajis.com:-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke u magacowday inuu noqdo danjiraha Somalia u fadhin doona Mreykanku, waxaana la filayaa in maanta oo Jimco ah laga guddoomo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo.

Warka ayaa sheegaya in maanta magaalada Washington kula kulmi doono Cumar C/rashiid Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, halka maalinta Isniinta ah ee soo socotana uu la fadhiisan doono Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Soomaaliya wax safiir ah uma joogin dalka Nareykanka tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Kacaanka.

Tallaabadan ayaa sidoo kale kusoo beegmeyso iyadoo dhawaan dowladda Mareykanka ay dhankeeda sheegtay inay danjire rasmi ah u soo magacaabi doonto Soomaaliya, kaasoo xaruntiisa noqon doonta magaalada Muqdisho.

Mareykanka iyo Soomaliya ayaa xiriirkooda aad u soo xoogeysanayay mudooyinkii danbe, iyadoo Mareykanka uu ahaa wadankii ugu horreyay ee dowladda federaalka Somalia u aqoosanta dowlad buuxda.
 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada