DAAWO:- 200 taageerayaal Ghana u dhashay oo qoxootinimo isugu dhiibay Brazil..

DAAWO:- 200 taageerayaal Ghana u dhashay oo qoxootinimo isugu dhiibay Brazil..

daajis.com:-Ku dhawaad 200 oo qof oo u dhashay dalka Ghana, una tagay dalka Brazil si ay u taageeraan xulkooda kubadda cagta ayaa lagu soo warramayaa in ay dalkaasi iska dhiibeen oo ay magangalyo waydiisteen.

Taageerayaasha ayaa markii hore ku tegay Brazil dal ku gal dalxiis, waxaana markii dambe ay isu dhiibeen qaxooti ahaan.

Muwaadhiniintaasi Ghana u dhalatay ayaa iska dhiibay magaalada Caxias do Sul ee ku taalla Koonfurta Brazil, waxaana ay booliska u sheegeen in ay yihiin Muslimiin, dhibaato badanna ay kala kulmeen dalkooda Ghana.
Waxa ay codsanayaan in la siiyo magangalyo, iyo fursad ay ku shaqaysan karaan.
Warbaahinta Qaranka Brazil ayaa sheegaysa in booliska ay filayaan in kumannaan Ghanaian ah ay is dhiibi doonaan kaddib marka uu dhammaado tartanka koobka adduunka.


Wasaaradda cadaaladda ee Brazil ayaa go'aan ka gaari doonta in magangalyo ay siineyso dadkaasi iyo in kale, balse hataan waxaa loo ogol yahay in ay ka shaqeeyaan oo ay aadaan halka ay Brazil ka doonayaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada