Daawo:- Khudbadii madaxweynaha Soomaaliya uu kusoo xiray kalfadhigii 4-aad ee Baarlamaanka

Daawo:- Khudbadii madaxweynaha Soomaaliya uu kusoo xiray kalfadhigii 4-aad ee Baarlamaanka

daajis.com:-Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray kalfadhigii afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoona halkaasi ka jeediyay khudbad dheer.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Baarlamaanka kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin amaanka Dalka, muranka dhinaca badda iyo eedeeyntii dhawaan kaga tmid hay’adda Monitoring Group.

“ Todobaadki hore ayay dowladda diiwaan gelisay biyaha badda Soomaaliya, waxaana biyaha badda uu gaarayaa ilaa 220 Nautical mile” ayuu yiri madaxweynaha.

“ Shalay oo bisha July 21 ahayd ayaan diiwaanka xuduudaha biyaha badda Soomaaliya u gudbinay Qaramada Midoobay, taasoo cabirkeedu tahay 350 Nautical mile”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay eedeyntii dhawaan uga timid guddiga Qaramada midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Ereteriya ee Monitoring Group, taasoo ahayd in madaxweynaha uu ku lug leeyahay lunsashada lacag dowladda u taalay dibadda.

Madaxweynaha ayaana arintaasi iska fogeeyay, isagoona sheegay in dowladdu ay guddi usoo xushay inay baaraan lacagaha dowladda dibadda u taala iyo meelaha ay ku baxaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO KHUDBADDA MADAXWEYNAHA:

KHUDBADDA 1- 4 -AAD:


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada