War Deg Deg ah :- Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo goordhaw lagu dilay Magaalada Muqdisho

War Deg Deg ah :- Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo goordhaw lagu dilay Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Allaha u naxariistee waxaa daqiiqado yar kahor magaalada Muqdisho lagu dilay Xilhibaanad Saado Cali Warsame oo katirsaneed Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kale aheed fanaanad caan ah oo si weyn looga yaqaanay Dalka iyo Dibada.

Xildhibaanada ayaa lagu dilay agagaarka Hotelka Ampasadoor ee kuyaala Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho , waxaana wararka hordhaca ah aan heleyno sheegayaan in kooxo hubeesan ay rasaas culus huwiyeen gaarigii ay saareed Xildhibaanada.


Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa xiray halka lagu dilay Xildhibaana Saado Cali Warsame oo wali meydkeeda u yaalo halka lagu dilay sida uu noo xaqiijiyay wariye kusugan goobta uu dilku ka dhacay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in soo kale Kooxaha Hubeesan ee beegsaday gaarii ay saarneed Xldhibaanad Saado Cali Warsame ay dileen darawalkii gaariga u waday.

Waxii Warar ee kusoo korda kala Soo Wararkayaga Dambe Insha Allah

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada