Daawo Muuqaal:- ahaan Qaabkii uu u dhacay Xukun dil ah oo lagu fuliyay Wiilashii dilay Nafisa Salaad Cusmaan

Daawo Muuqaal:- ahaan Qaabkii uu u dhacay Xukun dil ah oo lagu fuliyay Wiilashii dilay Nafisa Salaad Cusmaan

daajis.com:-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya , ayaa shalay xukun dil ah ku fulisay labo nin oo lagu helay dambi la xariira in magaalada Muqdisho ku dileen Gabar ka qalin jabisay Jaamacada Soomaaliya.


Dilka ay fulisay Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu shalay aroortii hore ka dhacay Fagaaraha Iskuul Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho.

Labada ruux ee dilka lagu fuliyay ayaa waxa ay ka dambeeyen dil barer cad oo ay u geysteen Allaha u naxariistee Nafiso Salaad Cusmaan oo ay xilli Habeen ah ay kala baxeen gurigeeda, iyagoona meel aan sidaa uga sii fogeyn ku toogtay Nafiso.

Nafiso Salaad Cusmaan oo aheyd Gabar ardayad ah, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu dhex dilay marka ay Taariikhdu aheyd 5-Apriil, waxa ayna dilka Gabadhaasi ay Ciidamadda Ammaanka Dowladda Somalia usoo qabteen Saddex ruux oo labo ay yihiin kuwa shalay la toogtay, halka ruuxa kalena ay aheyd Haweenay lagu magacaabo Deeqo Diraac oo hada ku xukuman 15-sano Xabsi ciidan ah.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada