Daawo Muuqaal:- Qax ka socda mid ka mid ah magaalooyinka ugu caansan Yurub & Taangiyo fara badan oo ku soo wajahan+Warbixin.

Daawo Muuqaal:- Qax ka socda mid ka mid ah magaalooyinka ugu caansan Yurub & Taangiyo fara badan oo ku soo wajahan+Warbixin.

daajis.com:-Magaalada wax soo saarka badan ee Warshadaha badani ku yaalaan ee Donetsk ayaa waxaa iskaga qaxay inta badan shacabkii ku noolaa ka dib markii ay ka war heleen in dhankooda uu ku soo wajahan yahay dagaal culus oo dhiig badan uu ku daadan doono.

Magaalada Donetsk oo ku taala dalka Ukraine waxaa dhoor bilood ka hor si nabad ah kula wareegay maleeshiyaad falaago ah oo sheegay inay dalka Ukraine intiisa kale ka go´een kuwaas oo loogu yeero (Separatisten) ama la magac baxay The Donetsk People's Republic (DPR) .

Ciidamada Milatariga Ukraine oo Wadaniyiin Calankooda jecel la magac baxay ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay maleeshiyaadkaan kala wareegeen magaalooyin caan ah balse iminka waxeey wax yar u jiraan magaalada Donetsk oo ay degan yihiin dadka dhaqaalaha leh ee u dhashay dalka Ukraine.


Dowlada Ruushka ayaa lagu eedeeyay inay soo hubeeneyso maleeshiyaadka goostay ee (DPR) oo iminka ku harsan kaliyah Magaalooyinka Donetsk iyo Luhansky. Taangiyo iyo Beebeyaal aad u fara badan ayaa ku sii siqaya magaalada Donetsk waxaana magaaladaan iskaga qaxay oo dhanka Ruushka u baxsaday dad tiradooda lagu sheegay in ka badan 70.000 oo qof.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada