Daawo Sawirada:- Madaxda ugu sareeysa dalka oo kumanaan dad ah salaadda Ciida kula Tukaday magaalada Muqdisho.

Daawo Sawirada:- Madaxda ugu sareeysa dalka oo kumanaan dad ah salaadda Ciida kula Tukaday magaalada Muqdisho.

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed ay Wehliyaan xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Masjidka Isbahysiga ee Magaalada Muqdisho Salaada ciida kula dukaday dadweyne badan.

Amaanka Masjidka Isbayahsiga waxaa si weyn u adkeenayay oo lagu arkayay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM kuwaa oo baarayay dadweynaha Masjidka Salaada Ciida ku dukanayay.

Salaada Ciida kadib waxaa Masjidka Isbahysa Khudbad ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Umada Islaamka gaar ahaan umada Soomaaliyeed uga hambalyeeyay Munaasabada Ciida.

Madaxweynaha ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan, isla markaana ay joojiyaan Colaadaha aan Mincaha badan ku dhisneyd ee dalka dib u celinaya, waxa uuna ku boorriyey dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo Midnimo iyo wada hadal in ay isugu yimaadaan.

Masuuliyiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si wada jir ah waxa ay Munaasbada ciida owgeed Hambalyo udireen Umada Soomaaliyeed meel kasto ay dunida ka joogaan.


















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada