Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Puntland iyo Boqolaal shacab ah oo Salaada Ciida wada tukuday

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Puntland iyo Boqolaal shacab ah oo Salaada Ciida wada tukuday

daajis.com:-Boqalaal dadweyne ah ayaa saakay Tukashada Salaada Ciida waxaa magaalada Garoowe kala qeyb galay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas iyo Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay,Wasiiro, Waxgarad,Isimo,Cuqaal.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Salaada Ciida kahor la hadlay Dadwaynihii ku sugnaa Goobta, waxaana uu u Hambalyeeyay dhamaan Umadda Muslimiinta ah meelkasta oo ay joogan.

‘’Waxaan leeyahay Ciid Wanaagsan Umadda Muslimiinta ah,Umadda Puntland iyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay Ciid Mubaarak’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.
‘’Ilaahay waxaan inooga baryayaa in ciidaan ciideeda kale uu nagu gaarsiiyo Nabad,Horumar,Wadajir iyo Alle kacabsi,waxana ilaahay ka rajaynayaa in uu noo aqbalo soonkeeni,sakadeeni,Salaadeeni iyo ducadeeni’’Ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

‘’Waxaan aad ugu faraxsanahay in Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Garaad Abshir Saalax iyo odayaasha kale ee inoo yimi inay maanta inala joogaan oo farxada inala qayb sanayaan,waxana ogtihiin in ififaalo fiican oo soo noqosho ay u tahay Puntland’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Waxaanu sii daynay boqol iyo Labaatan maxbuuxs (120) maadama bishaan ay tahay bil cafis dadka aan siidaynayna waxaan isleenahay maahan kuwo khatar weyn gaysanaya dhamaanteena waxaan ku dar daarmaya is cafis’’Ayuu yiri Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Gaas.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada