Daawo Sawirada:- Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo deeq gaarsiiyay Haween lagu faraxumeeyay Kenya

Daawo Sawirada:- Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo deeq gaarsiiyay Haween lagu faraxumeeyay Kenya

daajis.com:-Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Amb Maxamed Cali Nuur Americo ayaa booqday xarun lagu daryeelo Dumarka dhibaatooyinka jinsiyadeed la kulma ee ku nool magaalada Nairobi, isagoo deeq taburucaad ah gaarsiiyay dumarkaasi Soomaaliyeed.

Dumarkan Soomaaliyeed ee degan Nairobi ayaa badankood waxa lagu faraxumeeyay xaafadda Soomaalida degto ee Islii, halkaasi oo dad aan la aqoon ay ku kufsadeen.

Xarunta Ummah Community Centre oo ah halka lagu daryeelo dumarkan ayaa waxay Safiirka ugu warbixiyeen qaabka dhibaatada ay ula kulmeen isagoo sheegay in si isku mid ah kooxo arxan laawayaal ahi goor habeenimo ah ugu kufsadeen xaafada islii ,iyagoo jidhkooda soo gaarsiiyey dhaawacyo ilaa iyo hadda ay la il daranyihiin dhibanayaashasi.

Safiirka Dowlada soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadan foosha xun leh ee la soo daristay gabdhahan Soomaaliyeed, waxaana safiirku uu ugu baaqay bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkani Kenya in wax laga qabto dadka xun xun ee ku dhex jira,islamarkaana geysanaya gabood falada noocaan oo kale ah.

Soomaalida ku nool xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo ugu imaanaya kooxaha burcada iyo askara Kenya oo baad ka qaata dadka aan haysan sharciyada. 









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada