DAAWO VIDEO:-- Libaaxyo uu leeyahay Wasiir Waran Cadde oo dadku..!

DAAWO VIDEO:-- Libaaxyo uu leeyahay Wasiir Waran Cadde oo dadku..!

daajis.com:-Libaaxyo uu leeyahay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancade oo lagu xanaaneeyo beer ku taal magaalada Hargeysa ayaa qeybo ka mid ah waxaa la geeyay magaalada Boorame, halkaasi oo boqolaal caruur ah usoo daawasho tageen inta lagu guda jiray maalmaha Ciida soonfur.

Caruurta iyo dhalinyarada Boorame ayaa usoo daawasho tegay Libaaxyadan oo labo ka mid ah ay yihiin Aar ayaa laga soo kaxeeyay Hargeysa, waxaana daawashadooda ay aheyd mid caruurta iyo dadka kale ee doonaya inay daawadaan laga qaadayay qidmo yar oo cunada libaaxyadan ah.

Libaaxyadan oo isugu jira Lab iyo Dhedig ayaa waxaa lagu xanaaneeyaa beerta Cali Warancade ee Hargeysa, iyadoo mudo ka badan 10 sano halkaasi ku nool.

Dadka deegaanka ayaa xiliyada qaar cabsi ka muujiya, iyadoo sanadkii 2008-kii mid ka mid ah Libaaxyadan uu feentay gabar dhalinyaro ah, kadib markii uu ka baxsaday beertii lagu xanaaneynayay, sidoo kale mid kale ka baxsaday sanadkii 2013-kii balse lagu guuleystay in lasoo qabto.

HALKAN KA DAAWO LIBAAXYADA



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada