Howlgal ka dhacay Beladxaawo oo lagu soo qabqabtay kooxo la magac baxay Boko Xaaraam

Howlgal ka dhacay Beladxaawo oo lagu soo qabqabtay kooxo la magac baxay Boko Xaaraam

daajis.com:-Howlgal ay ciidamada amaanka Baladxaawo ee gobolka Gedo sameeyeen shalay oo Arbaco aheyd, waxay kusoo qabqabteen 24 dhalinyaro ah, kuwaasi oo la magac baxay Boko Xaaraam.

Taliyaha amaanka magaalada Beladxaawo Ismaaciil Koofi ayaa warbaahinta u sheegay in kooxdan la magac baxday Boko Xaaraam inay magaalada ka fulin jireen falal amaan daro ah.

Magaca Boko Xaaraam waa koox Mindidiin ah oo ka dagaalanta dalka Nigeria, laakiin Taliyaha amaanka Beladxaawo ma uusan sheegin in kooxdaani uu xiriir kala dhaxeeyo Boko Xaaraam Nigeria iyo Al-Shabaab.

Ismaaciil Koofi ayaa sheegay in xiliyadii habeenkii in dhalinyaradan ay falal amaan daro ah ka geysan jireen magaalada, sidaasina lagu soo wargeliyay, isagoo ugu baaqay waalidiinta in ay caruurtooda ka warqabaan tallaabooyinka ay qaadayaan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada