MUSIIBO:- Oday Soomaaliyeed oo laba caruur ah Gaajo uga geeriyootay Xayiraad Shabaab kusoo rogtay Buulo-burde

MUSIIBO:- Oday Soomaaliyeed oo laba caruur ah Gaajo uga geeriyootay Xayiraad Shabaab kusoo rogtay Buulo-burde

daajis.com:-Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caruur ay gaajo ugu dhinteen magaalada Buulo Burde, kadib xayiraad ay Shabaab ku soo rogeen.

Magaalada Buulo Burde ayaa go’doon ku jirtay tan iyo marki dowladda lagala wareegay, iyadoo shabaab ay magaaladaasi ku rogtay xayiraad ah inaysan jirin wax ka baxa iyo wax soo gala.

Cabdi cabadalla oo ah aabaha dhalay laba caruur ah oo wadada uga geeriyootay ayaa sheegay inuu si dhuumaaleysi ah magaalada Buulo Burde uga soo baxay, isagoona soo lugeeyay wax badan 20 KM.


Intii uu wadada kusoo dhex lugeenayay Aabe Cabdi Cabdalla ayaa waxaa wadada kaga geeriyooday labadaasi caruurta ah oo gaajo darted u geeriyooday, isagoona ugu dambeyn soo galay magaalada Baladweyn.


Xayiraadaan shabaab kusoo rogtay magaalada Buulo Burde ayaa caga cageeneyso ilaa laba bilood, iyadoo dadka ku sugan Buulo Burde ay dhibaato xooggan ku qaban ku sugnaashaha magaaladaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada