Daawo Sawirada:- Warbaahinta Ukraine oo soo bandhigtay Sawirada Sawaariiqdii la la dhacay Diyaaradii Malaysia & Liiska wadamada ay ka soo jeedaan Dadka dhintay !!

Daawo Sawirada:- Warbaahinta Ukraine oo soo bandhigtay Sawirada Sawaariiqdii la la dhacay Diyaaradii Malaysia & Liiska wadamada ay ka soo jeedaan Dadka dhintay !!

daajis.com:-Telefishinka qaranka dalka Ukraine ayaa shaaciyay muuqaalo muujinaya qaar ka mid ah Sawaariiqda ama gantaalada lagu riday Diyaaradii reer Malaysia oo sababsatay nolasha dad lagu sheegay ku dhawaad 300 oo qof una badnaa Hollandes.

Ridista Diyaaradaan oo buuq fara badan dhalisay waxaa durbadiiba goobtii lagu soo riday quburo wax baara u soo diray wadamo dhoor ah oo dad badan uga geeriyoodeen sida Holland , Australia, Indonesia, Malaysia, Mareykanka iyo Beljemka.

Raisul wasaaraha dalka Malaysia Mr.Najib Razak wuxuu shacabkiisa u balan qaaday inay si deg deg ah u soo qaban doonaan dambiilayaashii ka dambeeyay toogashada Diyaarada Malaysia Airlines ee Boeing 777 lambarkeeda (MH17 ) .

Dowlada Ukraine waxay dhankooda sheegeen in uusan haba yaraatee shaki yar uga jirin inay Diyaaradaan sawaariiq ku toogteen kooxaha mucaaradka dalkaas ee uu taageero Ruushka kuwaas oo lagu magacaabo (Separatisten) ama la magac baxay The Donetsk People's Republic (DPR) .

Tv-ga Ukraine wuxuu ku sheegay sawaariiqda ama gantaalada loo adeegsaday diyaaradaan inay yihiin (Buk Buche SA-11) oo maleeshiyaadkaan uu ku soo hubeeyay Ruushka si sumcada dalka iyo dadka Ukraine wax loogu dhimo. 

Dadka ku dhamaaday Diyaarada Malaysia Airlines ee Boeing 777 ayaa qaarkood waxaa durbadiiba la soo bandhigay wadamadii ay u kala dhasheen kuwaas oo lagu sheegay 158-Qof (Holland), 43-Qof (Malaysia) , 27-Qof (Australia) , 12-Qof (Indonesia) , 9-Qof (Ingiriis) , 4-Qof (Jarmal), 4-Qof (Beljem) ,3-Qof (Philipines) iyo 1-Qof (Canada), 41-Qof oo kale ayaa lagu sheegay inay ka yimaadeen Mareeykanka iyo dalal kale oo magacyadooda weli aanan la shaacin .




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada