Daawo Sawirada:- Kaniisad loo badalay Masjid iyo Soomaali maamusha

Daawo Sawirada:- Kaniisad loo badalay Masjid iyo Soomaali maamusha

daajis.com:-Arrin lagu farxo ayaa ka dhacday gobolka Minnesota kadib markii mid ka mid ah Kaniisadihii ugu waaweynaa magaalada St Paul loo bedelay masaajid ay leeyihiin Muslimiinta.

Kaniisadan loo badalay Masjidka ayaa waxaa lagu magaacabi jiray St Johns, taasoo dhisneyd in ka badan 100 sano.

Masjidkan meesha ka saaray sii ahaanshaha kaniisada ayaa waxaa loo bixiyay Daarul-culuum, waxaana lagu iibiyay dhaqaale dhan 900,000 oo Dollar, iyadoo mudo afar sano ah la rabo in lagu bixiyo dhaqaalahaasi.

Dhismaha masjidkan ayaa noqonaya midka labaad ee ugu weyn gobolka Minnesota, wuxuuna ku fadhiyaa dhul dhan 60,000 mitir, wuxuuna ka kooban yahay meel ay ku tukan karaan dad ka badan 2000 oo qof, in ka badan 23 fasallo, xafiisyo iyo sagaal guri oo deegaan ahaan loo isticmaali karo.

Iminaanka masjidkan Sheekh Xasan Khaliif Buuhane ayaa sheegay in qiimo aan lasoo koobi karin uu masjidkan ugu fadhiyo muslimiinta gobolka qaasatan kuwa ku dhaqan magaalo madaxda, waxaana ka shaqeeya Soomaali iyo Muslimiin kale.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada