Madaxweynaha Soomaaliya oo beeniyay warbixinta ay ka qoreen Monitoring Group

Madaxweynaha Soomaaliya oo beeniyay warbixinta ay ka qoreen Monitoring Group

daajis.com:-Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay warbixin uu qoray guddiga Qaramada midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Ereteriya, taasoo ahayd lunsashada lacag ay dowladdu lahayd.

Guddiga Monitoring Group ayaa dhowaan madaxweynaha ka qoray warbixin dheer oo ay kaga hadleen in madaxweyne Xasan uu ku lugleeyahay lunsashada lacag malaayiin dooler ah oo dowladda Soomaaliya u taalay dibadda.

Warbixinta ayaa lagu xusay in lacagtaan ay lunsadeen madaxweynaha Soomaaliya, xildhinaanad Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aaden  oo ahayd wasiirki Arimaha dibadda iyo shirkad dhinaca sharciyada oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Lakin haatan war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warbixintan ay soo saartay Monitoring Group sida ay qortay wakaaladda wararka ee Anadolu ee laga leeyahay dalka Turkiga.


Madaxweynaha ayaa sheegay in warkaan uu yahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad lahayn.

Xildhibaanad Fowsiyo ayaa sidoo kale horray u beenisay warkaan, iyadoo sheegtay inay dacwo kusoo oogeyso dadka qoray warbixintaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada