Daawo Sawirro:-Laga Soo Qaadey Gaarigii Sidey Wax Yaabaha Qaraxo Ee Lagu Qabtay Garoonka Aadan Cadde..

Daawo Sawirro:-Laga Soo Qaadey Gaarigii Sidey Wax Yaabaha Qaraxo Ee Lagu Qabtay Garoonka Aadan Cadde..

daajis.com:-Ciidamada kala duwan ee Dowlada Soomaaliya oo gacan ka helayay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta howlgal balaaran waxa ay ka sameeyeen xaafado kamid ah  degmoyinka wadajir iyo hodan.

Howlgalka ay maanta Ciidamada Dowlada iyo kuwa MAISOM sameeyeen ayaa u muuqday kuwa qorsheesan oo lagu galayay garaashyada baabuurta la dhigto oo la tuhmayo in lagu soo diyaariyo gawaarida is qarxisa iyo goobo kale oo bartilmaameed ahaa oo kuyaala Magaalada Muqdisho xili muqdisho ay kusoo bateen qarxyo qorsheesan.

Ciidamada Howlgalka waday ayaa adeegsanayay Eeyo loo tababaray urinta waxyaabaha qarxa kuwaa oo la sheegay in ay ku guuleesteen in ay ka shifaan labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo yaalay Garaash ku yaalay Xaafada Al-Baraka ee Degmada Hodan.

Gawaaridan waxyaabaha qarxa lagu diyaariyay ayaa la sheegay in la qorsheenayay in Al-Shabaab ku weeraraan goobo muhiim ah sida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyo goobo kale sida ay ku warameen Saraakiil laamaha amaanka katirsan.

Howlgalka Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay maanta ka sameeyeen Qeybo kamid ah Magaalada Muqdiso ayaa lagu qab qabtay dad badan kuwaa oo qaarkood loo gudbiyay saldhigyada Ciidamada Nabad Sugida.

dhawaan ayeey aheed kolkii isbadalo lagu sameeyay saraakiisha amniga, ciidamada dowlada aya la arkaya in malmahani ay howlgalo adag kawadan magalada muqdisho walow wali ay jiran qaraxyada iyo dilalka qorsheesan ee muqdisho kadhacaya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada