DAAWO VIDEO:- Nin ka tirsan Shabaab oo maxkmad ciidan ay dil ku xakuntay

DAAWO VIDEO:- Nin ka tirsan Shabaab oo maxkmad ciidan ay dil ku xakuntay

daajis.com:-Maxmadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday eedeeysane lagu magacaabo Caawiye, kaasoo qirtay inuu ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab.

Eedeysane Caawiye Axmed Jaamac ayaa 8-di bishi 11-aad sanadki 2013 isku dayay inuu qarax ka sameeyo hoteelka Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, isagoo qaraxaasi u adeegsanayay Kumbiyuuter Labtop ah.

Waxaana qarax labaad uu ka dhacay banaanka hotelka, kaasi oo lagu laayay dad shacab ah iyo askar ka tirsan Nabad sugidda, kuwaasi oo ka cararay qaraxi koowaad ee eedeysane Caawiye ka geysanayay gudaha Hotelka Makka Al Mukaram.

Tan iyo markaasi ayaa Eedeysanahan lagu magacaabo Caawiye uu ku jiray gacanta ciidamada Nabad sugidda, iyadoo la weydiinayay su'aalo la xiriira cidda usoo dhiibtay qaraxa loo adeegsanayay kumbiyuuterka Labtop-ka iyo dadka ku qasbay arimahaani.

Gudoomiyaha maxkamadda daraja koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya mudane Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhawaaqay in maxkamaddu ay xukun dil ah ku riday eedeeysane Caawiye Axmed Jaamac, kadib marki maxkamadda ay u cadaatay dambiga lagu soo eedeeyay eedeysanahaan ka tirsan Shabaab.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada