Daawo Video:- Sheekh caan ah oo u dhashay Dalka Kuweyt oo kula kulmay Dalka Soomaaliya qiso cajiib ah oo ka yaabisey

Daawo Video:- Sheekh caan ah oo u dhashay Dalka Kuweyt oo kula kulmay Dalka Soomaaliya qiso cajiib ah oo ka yaabisey

daajis.com:-Sheekha caanka ah ee daaciga ah ee u dhashay dalkaas Kuweyt ee lagu magacaabo Mishary al-Kharraazi ayaa waxaa la sheegay inuu kula kulmay dalka Soomaaliya qiso cajiib ah oo ka yaabisey ka dib markii uu booqasho ugu tagey qoys Soomaaliyeed iyadoona uu la ilmeeyey mid ka mid ahaa kaamiriisyataasha Sheekha waxaa ay kala kulmeen qoyskaas Soomaaliyeed.

Mishary al-Kharaazi oo booqasho ku tagey dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu kula kulmay halkaas qoys Soomaaliyeed oo ka yaabiyey, qoskaan ayaa hooyadu waxay tahay qof indhoole ah iyadoo aabaha reerkuna uusan si fiican waxba u arkin, qoyskaan oo dhalay 12 caruur ah ayaa waxaa ka geeriyooday 11 ka mid ah caruurtaas iyadoona wiilkii u horey qoyskaas Soomaaliyeed uu noqday kan kaliya ah ee u taagan hooyadiis iyo aabahiis inuu caawiyo mar kasta iyo waqti walba, Wiilkaan ayaa waxaa uu hooyadiis iyo aabihiis u soo qaraabaa raashin ka dibna wuu u kariyaa asagoo hooyadana cuntada afka u geliya, lugaha u riix riixa islaamrkaana u aqriya quraanka Kariimka.


Ugu dambeyntiina iyadoo sheekhaas uu la yaabay sida ay qoyskaas Soomaaliyeed ugu samreen waxa qabsaday iyo sida uu ilaahay ugu wanaajiyey wiilka kaliya ee u haray ayaa mid ka mid ahaa dadki la socday Sheekha oo xamili waayey waxa ay indhihiisa qabteen waxaa uu la ilmeeyey arintaas uu arkay, Wiilkaan u go’odoomay xanaaneynta waalidkiis ayaa waxaa uu sheegay inuusan wax kale waqti u hayn oo aan ka ahayn xanaaneynta waalidkiisa asagoo sidoo kalena sheegay inuu dareemo farxad iyo reyn reyn markasta oo uu caawinaad iyo howl wanaagsan oo ay u baahan yihiin waalidkiis uu u qabto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada