Dagaal laga baqaayo inuu ka dhex qarxo Beelaha Habargidir iyo Sade (SABAB)

Dagaal laga baqaayo inuu ka dhex qarxo Beelaha Habargidir iyo Sade (SABAB)

daajis.com:-Maamulka degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay jiraan cabsi inay ka qabaan burbur ku yimaada hishiis xabad joojin ah oo dhawaan la kala dhex dhigay beelihii ku dagaalamay Gobolkaasi.

Deegaanka, ayaa waxaa horey ugu dagaalmay maleeshiyooyin kasoo kala jeeda beelaha Habar-Gidir iyo Mareexaan.

Madaxa arimaha bulshada ee maamulka Balanbal Rujaal Axmed Maxamed ayaa u sheegay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho in cabsidaasi ay timid kadib markii dhinac kamid ah dhinacyadii dagaalamay uu si aargudasho ahaan ah dil uu kaga geystay deegaan Degmada Hoostaga.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ruuxa weerarka loo geystay uu ku dhaawacmay hoygiisa xiligii afurka, isagoo taasi u sababeeyay inay horseedi karto burburka dib u hishiisiintii la wada gaaray.

Madaxa arimaha bulshada ee maamulka Degmada Balanbal ayaa sheegay in dhankooda ay wadeen isku soo dhaweynta labada beel ayna sii wadi doonaan qorshaha wanaajinta xiriirka labada maleeshiyaad ee dagaalamay.

Wuxuuna ka dalbaday dhinacyada horay u dagaalamay inay dhankooda ka shaqeeyaan nabad galyada deegaanka ayna kala xadidaan maleeshiyaadkooda, si dagaalo kale aysan kaga dhicin deegaanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada