daajis.com:-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda
iyo Arimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheikh Abdulqaadir, ayaa si weyn u
soo dhoweeyey ansixinta uu Baarlamaanka Federaalka Soomaalia uu maanta
ansixiyey sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.
Wasiir Faarax wuxu ku tilmaamay ansixinta sharciga Golaha Adeegga
Garsoorka talaabo weyn oo loo qaaday dhinaca Dib u habynta Cadaaladda
dalka.
Sida ku xusan qodobka 109aad
Xarafkiisa (B) ee Dastuurka ku meel gaar ka ah ee Jamhuuriyada
Soomaaliya, Golaha Adeegga Garsoorku wuxu ka koobnaan doonaa xubno ka
kala imanaya Garsoorka, Garyaqaanno iyo Xubno bulshada Soomaaliyeed
sumcad ku leh..
Doorka ugu weyn ee Golahan
Adeegga Garsoorku wuxu noqon doonaa magacaabidda, dalacsiinta,
anshax-marinta iyo daba-galka garsoorayaasha dalka laga bilaabo heer
degmo, heer gobol illaa heer Federal.
“Ansaxinta
maanta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee sharciga Golaha Adeegga
Garsoorka waa horumar weyn oo laga sameeyey sidii dalka Soomaaliya uu u
noqon lahaa waddan ay ka hirgasho sharciga iyo kala dambaynta”. Sidaa
waxa yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh
Cabdulqaadir. Wasiirku wuxu intaa ku daray in guushan maanta ay horseed
ka ahaayeen iskaashi buuxa iyo wada-shaqayn dhab ah oo ay wada
sameeyeen golayaasha qaranka, waxa kale oo wasiirku xusay in ansixinta
sharciga golahani salka ku hayo fulinta go’aamadii ka soo baxay
shirweynihii qaran ee dib u habaynta Garsoorka ee Madaxweynuha
jamhuuriyaddu hormuudka u ahaa.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda
oo maanta la hadlayey saxaafadda ayaa u sheegay in dowladda Federaalka
Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay dib u habayn rasmi ah ay ku samayso
garsoorka dalka si loo xaqiijiyo in garsoorka dalku noqdo mid caddaalad
ku dhisan oo loo siman yahay dadkuna la xisaabtami karaan. Wasiirku waxa
kale oo uu carrabka ku dhuftay in maaddaama aan cagta saarnay waddaddii
nabadda iyo dhismaha qaranimada loo baahan yahay in la habeeyo oo la
horumariyo cadaaladda iyo garsoorka si loo soo celiyo kalsoonidii dadku
ku qabeen nidaamka dowladnimo iyo sarraynta sharciga.
Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii
wata wuxuu xusay inay lagama maarmaan tahay in shacabka Soomaaliyeed
qayb mug leh ka qaataan hirgelinta dib u habaynta cadaaladda.
“Iskaashigaas iyo gacmo is qabsashadaas oo keli ah baa lagu horumarin
karaa cadaaladda dalka. Sharciga oo lagu dhaqmo, la fuliyo isla markaana
la’ aamino oo lagu kala baxo ayaa lagu gaari karaa nabad, cadaalad iyo
xasilooni” ayuu wasiirku ku soo gunaanaday hadalkiisii.
Muddo ka badan 23 sano Nidaamka
Garsoorka Soomaaliya waxa ka maqnaa awooddii ama golihii magacaabi
lahaa, dallacsiin lahaa, asnshax marin lahaa isla markaana la xisaabtami
lahaa garsoorayaasha dalka, sidaa darteed ansixinta maanta Baarlamaanku
ansixiyey Golaha Adeegga Garsoorka Soomaaliya waxa ay bilow wanaagsan u
noqon doontaa barnaamijka dib u habaynta cadaaladda dalka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:35 and have
, Published at