Koox Xiriir la leh dagaalyahanada al-shabaab oo lagu Daray Liiska Argagixisada caalamka.

Koox Xiriir la leh dagaalyahanada al-shabaab oo lagu Daray Liiska Argagixisada caalamka.

daajis.com:-Gobaha amaanka ee qaramada midoobe ayaa liiska argagixisada kudaray kooxda islaamiga ah ee ADF ee dalka Uganda Kadagaalanta islamarkaana xiriirka laleh sida la shaaciyay kooxda Al-shabab.

Kooxdan ADF ayaa lagu eedeeyay iney geysteen afduub ,askareynta caruur ,kufsi iyo weeraritaanka Xarumaha qaramada midoobe ee dalkaasi ku yaala.

Jamil Mukulu oo ah hogaamiyaha kooxda ayaa isagu waxaa lashegay inuu xiriir laleeyhay kooxda Alshabab ee Somalia kadagalaanta islamarkaana ay wadashaqeyn dhaxmartay marar badan.

Kooxda ADF waa koox hadafkeeda kusheegtay xoreynta dalka Uganda waxayna saldhigyo kuleeyihiin dalka Congo waxaana tiradooda lagu qiyaasaa ilaa 1,200 ama 1,400 dagaalyahano ah.

Sido kale qaramada midoobe ayaa sheegtay kooxdan waxay Caruur kaqorteen masaajidyo kuyaala dalalka Congo Ugand,Iyo Tanzania.

Dhanka kale dowlada Congo ayaa sheegtay in kooxdan ay kadambeesay weerar lagu dilay ilaa 21-ruux oo ay kujiraan haween iyo caruur kaa oo kadahcay meel udhow magalada Beni ee waqooyiga gobolka Kive bishii December.


Si kastaba ha ahaatee kooxda Xasaradaha Aduunka Ee ICG ayaa dhawaan waxay sheegtay in kooxdan ay tahay mid Qatar ku ah Dalka Uganda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada