DEG DEG:- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu dilay degmada Xamar weyne iyo mid kale oo la dhaawacay

DEG DEG:- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu dilay degmada Xamar weyne iyo mid kale oo la dhaawacay

daajis.com:-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow oo saakay ah lagu dilay degmada Xamar weyne, iyadoo mid kalena la dhaawacay.

Sida ay sheegayaan wararka xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabayay Maxamed Maxamuud Xeyd, halka midka kale ee la dhaawacay magaciisa lagu soo gaabiyay Coonka.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo bastoolado ku hubeysan ay toogteen labada xildhibaan oo gaari saarnaa, xilli ay ka soo baxeen hoteel ku yaal degmada Xamar weyne.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga ay la socdeen labada xildhibaan uu soo daba socday gaari kale oo ay saarnaayeen dableyda hubeysan.

Gudoomiyaha degmada Xamar weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa u xaqiijiyay daajis.com in Xildhibaan Xeyd uu ku dhintay toogashada, halka xildhibaan Coonka dhaawacmay, waxaa uu intaa ku daray in askari la socday uu dhintay.

“Agagaarka Hotel Central ee degmada Xamar weyne ayuu falka ka dhacay, Xildhibaanada gaari ayay saarnaayeen waxaa daba socday, gaari kale oo Surf ah, xabado ayay ku fureen, gaarina wuu baxsaday”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Xamar weyne.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay dilkan, hase ahaatee Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabay inay beegsanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka.


Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dmabe

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada