Aqriso :- Shan Rikoor oo Koobka Adduunka la Jabiyay (maxay yahiin)!!

Aqriso :- Shan Rikoor oo Koobka Adduunka la Jabiyay (maxay yahiin)!!

daajis.com:-Koobkan adduunka waxaa lagu ammaanay in uu ahaa kii taariikhda ugu xiisaha badnaa, waxaana loo hayaa cadaymo la tirin karo.
Rikooradii mudada dheer yaalay sida goolasha, da’da iyo xitaa dherarka magacyada ayaa weli ku sii burburaya dalka Brazil.

Waxaan halkan ku soo qaadanaynaa shanta qof ee ugu cad cad jabinta rikoorada ee ciyaaraha koobka adduunka ee Brazil 2014.
Ciyaartoyda Colombia oo u dabaaldegaya guul ay gaareen

Waa koob adduun oo bulshadeed

Koobkan ayaa ahaa dhacdo warbaahin bulshadeed oo Twitter iyo Facebook ay dadku ku wadaagaan warbixinada, oo labaduba la diiwaangaliyay tiradii ugu badnayn ee laga qeyb qaato wax lasoo dhigay barahaas.
Lix iyo toban million iyo afar boqol oo kun oo fariin ayaa lagu diray twitter-ka markii Brazil ay rigoorayaal uga adkaatay kooxda Chile, waxaa ku jiray 388,985 fariimood oo la diray daqiiqadii ugu dambeysay ee rigoorayaasha, taasoo ka dhigaysa dhacdadii loogu fariin dirid badnaa ee taariikhda boggaga bulshada.

Xilligii la diray fariintii ugu badneyd taariikhda baraha bulshada
Facebook ayaa isaguna markii ugu horreysay martigaliyay isdhaafsi aaraa oo gaaraysa ilaa hal billion, taasoo ah meeshii ugu sareysay oo uu Facebook gaaro taariikhda tobanka sano ah ee uu jiray.

Goolasha

Marka la eego goolasha, koobkan adduunka ayaa noqday abid midka ugu madadaalada badan, iyadoo 136 gool la dhaliyay ciyaarihii Group-yada.
Goolashaasi waxa ay lix gool dheer yihiin koobkii ka dhacay Koonfur Kuuriya iyo Japan sanadkii 2002-dii, oo horay u haystay rikoorka.
Gool badnida way sii socotay oo gaartay heerarka kala baxa, iyadoo goolkii madaxa ee uu Nigeria ka dhaliyayPaul Pogbauu goolasha ka dhashay tartanka uu gaarsiiyay 146 – hal gool ayey dheer yihiin goolashii la dhaliyay guud ahaan tartankii koobka adduunka ee ka dhacay Koonfur Africa sanadkii 2010-kii, oo ahaa kii ugu goolasha yaraa tan iyo markii tartanka uu noqday mid ka kooban 64 kulan.
Koobkan adduunka uma aanu wanaagsaneyn Roger Milla kaddib markii la burburiyay laba rikoor oo uu dhigay

Mondragon oo ka sare maray Milla

Colombia ayaa ku raaxaysanaysa natiijooyinka cayaarahoodii ugu fiicnaa ee abid ay koob adduun kaga soo qaybgalaan – waxay guulaysteen dhammaan afartii kulan ee ilaa hadda ay cayaareen oo ay gaareen wareegga sideedda koox markii ugu horaysay taariikhdooda.
Waxa kaloo u dheela cayaartoyga ugu da’da wayn taariikhda koobka adduunka.
Goolhayahooda 43 jirka ah Faryd Mondragon ayaa booska ka qaaday Roger Milla oo sanadkii 1994-kii dhigay rikoorka da’da markaas oo weeraryahanka reer Cameroon uu 42 jir ahaa.
Mondragon ayaa ku soo galay ciyaarta badal kulankii 4-1 ay kooxdiisa kaga badisay Xulka Japan.
Waxay ahayd markii ugu horraysay ee uu tartan adag uu usafto kooxdiisa ilaa sanadkii 2005-tii.
Ciyaaryahan Sokratis Papastathopoulos - waa ninka haysta ciyaaryahanka ugu magaca dheer ee gool ka dhaliyay koobka adduunka

Laga soo bilaabo Papastathopoulos ilaa laga gaaro Jo

Dalka Giriiga ayaa si naxdin leh ugu haray rigoorayaal ay kaga adkaatay kooxda dalka Costa Rica, balse waxay Brazil kaga tageen iyadoo mid ka mid ah cayaartoydooda uu noqday midka leh magacii ugu dheeraa ee qof gool dhaliya.
Ciyaaryahan Sokratis Papastathopoulos, ayaa rikoorkaasi sameeyay kaddib markii uu dhaliyay gool uu xilli dambe ku barbareeyay xulka Costa Rica, goolkaas oo labada kooxba ku khasbay inay aadaan waqti dheeri ah.
Ciyaartoygan oo kaliya ma ahan ciyaartoyda rikoorada jabisay ee ciyaaryahanka weerarka kaga dheela xulka Brazil ee Jo ayaa noqday ciyaaryahanka ugu magaca gaaban ee ka soo muuqda cayaaraha koobka adduunka.
Ciyaaryahan Asamoah Gyan ee u dhashay waddanka Ghana oo noqday ciyaaryahanka ugu gool dhalinta badan Koobka Adduunka

Gyan cayaaryahanka ugu sareeya ee Africa

Ghana ayaa si niyadjab ah ugu hartay wareegga Goup-yada balse cayaaryahankooda Asamoah Gyan waxaa uu noqday ninka hogaamiya gool dhalinta kooxaha Africa ee ka qaybgalay taariikhda koobka adduunka.

Goolkii uu Gyan ka dhaliyay kooxda Portugal ee Ghana kaga badisay 2-1, ayaa waxa uu ka dhigay goolasha uu ka dhaliyay koobka adduunka lix gool.

28 jirkan, ayaa horay u noqday cayaaryahankii ugu horreeyay ee ka socda Africa ee gool ka dhaliya saddex tartan oo koobka adduunka ah, kaddib markii uu gool dhaliyay ciyaarihii group-yada, ciyaar ay wada dheeleen kooxda Jarmalka.
Goolka lixaad ee uu dhaliyayna waxa uu keenay in uu dhaafo cayaaryahankii hore ee Africa ee Milla oo horay u haystay rikoorka maadaama uu shan gool dhaliyay.



BBC FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada