Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Burundi oo qaabilay r/wasaare ku xigeenka Soomaaliya

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Burundi oo qaabilay r/wasaare ku xigeenka Soomaaliya

daajis.com:-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya, iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka Burundi uga qeyb galay 52 guuradii ka soo wareegtii markii uu dalkaasi xornimada ka qaatay dalka Belgium 1-da July sanadkii 1962-dii ayaa halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Dalka Burundi Pierre Nkurunziza.

Waxay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ay ugu horeyso xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Burundi, waxaana uu uga mahadceliyay howlaha ciidamada Burundi ay ka wadaan Soomaaliya, iyagoo qeyb ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulanka labada mas’uul ay ku qaateen xarunta Madaxtooyada Burundi waxaa Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ku wehlinayay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Burci Maxamed Xamza, Safiirka Soomaaliya ee dalka Burundi Danjire Abshir Xasan Abshir iyo Mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sidoo kale la kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Burundi Laurent Kavakure oo isla soo hadal qaadeen arrimo badan oo labada dal quseeya, waxaana Wasiirka Arrimaha dibedda ee Burundi uu tilmaamay inay xoojinayaan xiriirka labada dal ka dhexeeya, ayna iska kaashanayaan la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab. 





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada