Warar Dheeraad ah oo ku Saabsan Roobab saameyn kala duwan yeeshay oo ka da'ay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda

Warar Dheeraad ah oo ku Saabsan Roobab saameyn kala duwan yeeshay oo ka da'ay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda

daajis.com:-Roobab dabeylo qabow wata ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayey magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaasoo ilaa hadda si xiriir ah uga da’aya magaalada, iyadoo roobabkaasi oo dadka qaar ay ku diirsadeena ay dhinaca kale saameyn xoogan ku yeesheen qoysas boqolaal gaaraya oo ka soo barakacay gobolada dalka qaarkood.

Roobabkan oo ah ku goos goos ah ayaa ku dul da’aya dadkaasi soo barakacay oo u badan caruur haween iyo dad waayeel ah kuwaasoo aan heysan hoy fiican oo ay ka galaan qabowga iyo dhaxanta daran ee ay wataan roobabka socda, iyagoo degan guryo buushash ah oo ka sameysan baco iyo cooshado, kuwaasoo aan adkeysi badan u laheyn dhibicda roobka.

Qaar ka mid ah dadkaasi soo barakacay ayaa la sheegay in xalay oo dhan ay taagni ku baryeen iyagoo wata caruur yar yar uuna dushooda ku da’ayey roobkaasi ka dib markii ay dabeyluhu dumiyeen bushashkii ay ka gabaadsanayeen roobabka, ayna waayeen meel kale oo ay roobka ka galaan.

Dadkan ay xaaladooda tahay mid aad u daran ayaa qabowga jiraa waxaa u dheer dhibaatooyin kale oo ay ka mid yihiin maciishada oo ciriiri ku ah.

Dhinaca kale roobabkan ayaa saameyn ku yeeshay socodkii dadka iyo gaadiidka ee magaalada, iyadoo saaka dadka qaar badan aysan ka soo bixin guryahooda marka laga reebo dadka qaar oo qoyaanka roobka u bareeray iyo kuwo isticmaalayey daladaha la hoos galo, waxaana yaraaday socodka gaadiidka dadweynaha wadooyinka qaarna waxaa jaray daadad ka soo rogmaday roobabka.

Roobabkan oo lagu tilmaamay iney yihiin kuwii xiliga xagaaga ayaa waxaa dhinaca kale ku diirsaday shacabka Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo sheegaya ineysan dareemeynin haraad maadaama laga sooman yahay cuntada iyo biyaha laguna jiro bisha Ramadaan. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada